Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka oo ka hadashay duqayn ka dhacday Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in markii u horraysay mudda lix bilood ah kadib ay duqayn ka fulisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Gobolka Mudug.

Duqayntan oo lala beegsaday Al-shabaab ayaa Talaadadii ka dhacday degaanka Qaycad oo u dhexeeya degmooyinka Cammaara iyo Bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in duqayntan ahayd mid lagu caawinayay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo weeraro kala kulmay Al-shabaab.

Dowladda Maraykanku faahfaahin kama bixin khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse dowladda Soomaaliya oo dhankeeda ka hadashay duqaynta ayaa sheegtay in lagu dilay ilaa 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Maraykanka oo ka hadashay duqayn ka dhacday Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this