Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Agabkii ciidda iibsanaayey oo qarax lagu laayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dad Agabkii ciidda iibsanaayey oo qarax lagu laayay

Qaraxa ayaa ka dhacay goob laga tukaameysto
Qaraxa ayaa ka dhacay goob laga tukaameysto

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay tobaneeyo kalena waa lagu dhaawacay weerar bambaano oo lagu qaaday suuq mashquul badan oo ku yaal magaalada caasimada ah ee Baqdaad, sida ay sheegeen ila wareedyo dhanka amniga ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuq ku yaal waqooyiga magaalada Sadr, xilli qoysasku isu diyaarinayeen ciidda Ciidul Adxa oo maanta ku beegan.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Baqdaad muddo lix bilood ah.

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamka (IS) ayaa sheegatay mas’uuliyadda, waxayna sheegeen in mid ka mid ah xubnahooda uu qarxiyay jaakad lagu rakibay walxaha qarxa.

Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalka ay kula jirtay kooxdan IS sanadkii 2017-kii.

Balse, unugyada huraadiga ah ayaa sii wada kacdoon si hoose ku socda.

IS ayaa sheegtay inay ka dambeysay qaraxii gaariga loo adeegsaday ee dhacay bishii Abriil kaasoo ay ku dhinteen afar qof suuq kale oo ku yaal magaalada Sadr, oo ay ku badan yihiin Shiicada Muslimiinta.

 

Waxay sidoo kale sheegatay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay bishii Janaayo Fagaaraha Tayaran kaasi oo ay ku dhinteen 32 qof.

Waxaa uu qaraxaasi ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca caasimadda saddex sano gudahood.

Ilo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in haween iyo caruur ay kamid ahaayeen dadkii ku dhintay weerarkii Isniintii ka dhacay suuqa al-Wuhailat.

Afhayeen u hadlay militariga Ciraaq ayaa sheegay in ra’iisal wasaare Mustafa al-Kadhimi uu amar ku bixiyay in la soo xiro taliyaha guutada booliska federaalka u qaabilsan amniga aaga suuqa, islamarkana waxaa bilaabmay baaritaano.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this