Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuwee Madaxwaynayaasha lagu jabsaday Telefoonadooda Barnaamijka  Pegasus ee Israel Samayso?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa kuwee Madaxwaynayaasha lagu jabsaday Telefoonadooda Barnaamijka  Pegasus ee Israel Samayso?

 pegasus.jpg
 

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka mid noqday dhowr hoggaamiye oo caalamka ah oo la rumeysan yahay in la taleefoonadooda la bartilmaameedsaday oo la isku dayay in la jabsado iyadoo la adeegsanayo barnaamij wax lagu basaaso, sida ay ku warramayso warbaahinta.

Software-ka oo loo yaqaan Pegasus, wuxuu u dhacaa taleefannada wuxuuna fursad u siinayaa dadka adeegsanaya inay ogaadaan xogaha taleefoonkaasi ku jira.

Waxaa jirta warbixin cusub oo lasoo dusiyey, taasoo bidhaamineysa in la basaasay uggu yaraan 50,000 oo qof oo caana, kuwaasoo ku kala nool dunida dacaladeeda.

Shirkadan lagu magacaabo NSO ayaa beenisay wararka sheegaya in barnaamijkeeda loo adeegsaday si qaldan.

Waxay shirkadu sheegtay in barnaamijkan ay dowladaha badan ka iibisay uu yahay mid loogu talagalay in lagu dabagalo dambiilayaasha iyo kooxaha argagixisa

Warbixinnada ayaa qeyb ka ahayd qoraalo is xig-xigay oo muujinayay in Software-ka oo loo yaqaan Pegasus lagu bartilmaameedsaday kumanaan qof oo caan ah.

Software-kan ayaa waxaa iska leh shirkad laga leeyahay Israa’iil islamarkana waxaa laga iibiyay wadamo badan.

Wargeyska Le Monde ee ka soo baxa Faransiiska ayaa ku warramay in sirdoonka Marooko ay ogaadeen taleefoonka uu Mr Macron isticmaalayay tan iyo 2017-kii.

Morocco ayaa beenisay inay macmiil u ahayd ama ay ka mid tahay dadka adeegsada barnaamijka Pegasus.

 

In aad ku jirtid liiska micnaheedu maahan in softiweerka la adeegsaday laakiin waxay ka dhigan tahay in qofku ahaa bartilmaameed suuragal ah.

Ma cadda ilaa iyo imika in barnaamijkaas waligiis lagu shubay taleefonka madaxweynaha Faransiiska

Lambarada ku jira liiska sirta ah ayaa sidoo kale la sheegay inay ku jiraan kuwa madaxweyaasha dalalka Ciraaq Baram Salih iyo madaxwaynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, iyo sidoo kale ra’iisul wasaarayaasha dalalka Pakistan, Masar, iyo Boqorka dalka Morocco.

In ka badan 600 oo saraakiil dowladeed iyo siyaasiyiin ka kala socda 34 dal ayaa ku jira liiska dadka taleefoonadood la bartilmaameedsay.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa sheegtay in haddii waxa la shaaciyay ay run yihiin ay tahay arrin aad u culus.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this