Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta Maalqabeennada Adduunka u daneynayaan inay tagaan Hawada sare oo la ogaaday!

Recommended Posts

Deeq A.   

Sababta Maalqabeennada Adduunka u daneynayaan inay tagaan Hawada sare oo la ogaaday!

Dayax gacmeedka New Shepard
Dayax gacmeedka New Shepard

Maalqabeenka iska leh shirkadda Amazom, Jeff Bezos ayaa maanta u duulay hawada sare, isagoo raacay dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ay dad rakaab ah raacaan kaas oo lagu magacaabo New Shepard.

Waxaana safarkan uu ku tegayo hawada sare ku wehliya Mark Bezos oo la dhashay Jeff iyo Wally Funk oo 82 jir ah taas oo bilowday tartanka loogu jiro hawada sare xilli ay aheyd arday.

Waxay ku safreen qalab sidii gantaalka ah oo leh daaqado waaweyn.

Dayax-gacmeedkan New Shepard waxaa soo saartay shirkad uu leeyahay Jeff Bezos oo la yiraahdo Blue Origin si loo xoojiyo suuqa dalxiiska ee hawada sare.

“Aad baan u faraxsanahay, dadka waxay i weydinayaan in aan baqayo iyo in kale. Waxaan doonayaa in wax badan aan soo ogaado, waxaan doonayaa in aan soo barto waxa aad ka baran doontaan safarkan,” ayuu yiri Jeff Bezos oo wareysi siinayay warbaahinta CBS News.

Wally Funk waxay dhankeeda sheegtay “Waa tallaabo aan qaadeyno, in muddo ah ayaan sugeynay in aan dayaxa tago, waa arrin aan ku haminyay.”

Sanadihii 1960-maadkii, Wally Funk ayaa kamid aheyd koox lagu magacaabo Mercury 13 kuwaas oo maray tababaro iyo tijaabooyin lamid ah kuwa ay maraan dadka cirbixiyeennada ah balse weligeed ma aysan tegin hawada sare.

Kasoo bilaaw bidix: Mark Bezos, Jeff Bezos, Oliver Daemen, Wally Funk
Kasoo bilaaw bidix: Mark Bezos, Jeff Bezos, Oliver Daemen iyo Wally Funk

Afartan rakaabka ah ayaa ka duulay saldhig gaar ah oo uu leeyahay Bezzos kaas oo ku yaalla meel u dhaw deegaanka Van Horn ee gobolka Texas.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli toddobaadkii lasoo dhaafay uu Richard Branson oo ah maalqabeen u dhashay UK dayax-gacmeed ku tagey hawada sare.

Jeff Bezzos wuxuu heystaa lacag dhan 200 bilyan oo dollar, waana ninka ugu taajirsan adduunka. Ninkan 57 jirka wuxuu dhawaan iska casilay jagada madaxa fulinta ee shirkadda Amazom.

Mark oo ah nin la dhashay Bezzos ayaa wuxuu aasaasay shirka qaabilsan xayeysiinta, haatan waa ku xigeenka madaxa hay’adda Robin Hood oo ah hay’ad qaabilsan arrimaha samafalka.

Qofka afaraad ee safarka ku wehliya ayaa ah wiil uu dhalay nin lagu magacaabo Joes Daemen, kaas oo aasaasay shirkad gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Netherlands, wuxuu qabsaday kursiga labaad ee dayax-gacmeedka hawada sare tegaya.

.

Waxaan kursigaas horey u qabsaday nin aan magaciisa la sheegin oo ku bixiyay 28 milyan oo dollar kaas oo markii isaga haray sababo la xiriira wakhtiga.

Jeff Bezzos iyo Richard Branson ayaa dhaleeceyn kala kulmay baraha bulshada. Dadka qaar waxay ku doodayeen in lacagta ay ku bixinayaan safarkaas ay aheyd inay wax ku bixiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbedallada cimilada iyo dhibaatada ka dhalatay safmarka Fayraska Korona.

Richard Branson aaa dadkaas u jawaabay, “Waan fahmi karaa waxa ay ka hadlayaan balse waxay ila tahay in aysan fahansaneyn waxa uu safarka hawada sare uga dhigan yahay dunida.”

Wuxuu sheegay in dayax-gacmeedka uu dusha kala soconaya xaalufinta lagu hayo dhirta iyo deegaanka, cunto gaarsiinta dadka iyo xitaa waxka qabashada isbedallada cimilada.

Richard wuxuu sidoo kale sheegay “waxaan u baahanahay in daxay-gacmeedyo badan ay hawada sare gaaraan.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this