Sign in to follow this  
Deeq A.

Guud Ahaan Caalamka Qaab Noocee Ah Ayaa Maanta Looga Ciidday??

Recommended Posts

Deeq A.   

Guud ahaan wadamada Islaamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa ee sanadkan

Waxaa saaka masaajidyada iyo fagaarayaasha waaweyn ee wadamada Islaamka iyo dalal badan oo ka le laga tukanaya salaada ciida.

Shacabka muslimiinta ah ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Inku dhow boqol kun oo xujay ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan ee Xajka.

Hase yeeshee tirada sanadkan oo aad uga yareyd marka lala barbardhigo sanadihii hore ayaa waxaa sababay cudurka Covid 19.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this