Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Ururka Al-Shabaab Oo Hanjabaad ka Soo Saaray Doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab ayaa u gooddiyay ergada doorashooyinka ee Soomaaliya ee lagu wado inay ka qeybqaataan doorashooyinka soo aaddan.

Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubaydah, oo khudbad munaasabadda ciidda awadeed u soo duubay ayaa soo hadal qaaday waxa uu ku tilmaamay dhacdooyinkii iyo jahawareerkii bilihii la soo dhaafay ka taagnaa magaalada Muqdisho ee salka ku hayay waxa ay ku sheegeen doorasho ay dalka ka qabtaan, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Waxa uu sheegay in Xerada Xalane madaxda Soomaalida loogaga soo yeeriyo waxwalba oo ay ku dhaqaqaan.

Abuu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku sheegay in Xerada Xalane madaxda Soomaalida loogaga soo yeeriyo waxwalba oo ay ku dhaqaqaan.

Waxa uu madaxda dalka iyo musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this