Sign in to follow this  
Deeq A.

Dunida muslimka oo maanta looga dabaal-degayo Ciidda Carrafo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhammaan dunida muslimka iyo dalalka ay ku nool yihiin dadka muslimiinta, ayaa maanta looga dabaal-degaya munaasabadda Ciidda Carrafo.

Inkastoo saacadaha wakhtigu kala duwan yihiin daafaha dunida, haddana si isku mid ah ayaa muslimiintu ugu dabbaal-degayaan munaasabadda Ciidda.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga xusayo munaasabadda Ciidda Carrafo, iyadoo dadweynuhu Salaadda ciidda ku oogeen guryaha iyo masaajidda.

Ciidda Carrafo ayaa sannadkan ku soo beegmatay iyadoo hoos u dhac laga dareemayo heerka xanuunka COVID-19 ee gudaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dunida muslimka oo maanta looga dabaal-degayo Ciidda Carrafo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this