Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqa bilic soo celin ah oo xalay laga sameeyay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Ciidamada Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug oo kaashanaya ururada Is-xilqaamayaasha Gobolka ayaa xalay shaqo bilic soo celin ah ka qabtay Laamiga isku xira labada dhinac ee Gaalkacyo.

Saraakiisha iyo Is-xilqaamayaasha ayaa ku guulaystay in ay nadiifin ku sameeyaan Laamiga weyn islamarkaana ka qaadaan qashin badan oo daadsanaa dhinacyada Laamiga.

Sidoo kale waxay shacabka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan bilicda iyo nadaafadda magaalada Gaalkacyo.

Tallaabadan ayaa ku soo aadday xilli ay ku beegantahay maalinta kowaad ee Ciidda Carafo.

PUNTLAND POST

The post Shaqa bilic soo celin ah oo xalay laga sameeyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this