Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo fariin u diray dadkii sanadkan qorshaynayey gudashada rukniga xajka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16267077618059331.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo.

“Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin iyo hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.


PUNTLAND POST

The post Farmaajo oo fariin u diray dadkii sanadkan qorshaynayey gudashada rukniga xajka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this