Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Dumarka 60 jirka ah Xeelad Cusub ku dhaca oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Dumarka 60 jirka ah Xeelad Cusub ku dhaca oo la qabtay

.

Taliska ciidamada dambi baadhista ee Kenya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin “ku takhasusay” dhaca haweenka howlgabka ah ee dowladda ka hela lacagta, gaar ahaan kuwa kaligood ah ee u nugul waxyeellada.

Wycliffe Amakobe Omunga, ayaa la sheegay inuu si gaar ah u bartilmaameedsan jiray dumarka iskaabulada ah ee sugaya lacagta howlgabnimada.

Xeeladda uu adeegsan jiray ayaa ahayd inuu jacayl ku abuuro isagoo siinaya waxyaabo ay jecel yihiin, una ballan qaado inuu nolosha la wadaagi doono marka ay howlgabka noqdaan.

Marka uu soo xero galiyo kaddib, haweenka uu khiyaanay wuxuu u sheegaa inuu lacagtooda ugu abuurayo ganacsi, isagoo markaasna la baxsada guud ahaan lacagtii u keydsanayd.

Marka uu sidaas sameeyo waxaa bannaanka kusoo dhaca dumarkii oo qalbi jabsan hantidoodii oo idilna sidaas ku waayay.

Mid ka mid ah dumarka dhibbaneyaasha ah ayuu ninkan ka qaatay lacagtii ay howlgabnimada ku heshay oo tiradeedu ahayd Sh780,050.

Haweeneydaas wuxuu ku khiyaanay jacayl been ah oo uu ku abuuray, kaddibna wuxuu ka dhaadhiciyay inuu u sameeyo warshad biyaha daweysan soo saarta.

Wycliffe Amakobe Omunga
Laanta dambi baadhista Kenya (DCI) ayaa sawirkan ninkan soo galisay baraha bulshada

Iyadoo aan ka war qabin khiyaanada uu damacsan yahay ayay haweeneydaas gacanta u galisay lacagteeda, kaddibna waxay billowday inay walwasho.

Arrintii ku billaabatay jacayl macaan iyo ballan qaad guur ayaa kusoo gabagabowday oohin, sida ay sheegtay waaxda Dambi Baadhista Kenya.

Dadaal ay u sameysay inay ku hesho ninka ay jeclaatay ayay ku guul darraysatay kaddib markii uu ka dansaday telefoonnadii oo idil.

Goor dambe ayay u suuragashay inay ninkii hesho, laakiin wuxuu u sheegay in ganacsigii ay kala wareegtay shirkad caymis ah kaddib markii uu bixin waayay deyn uusan qiimaheeda cayimin.

Ninka eedeysanaha ah ayaa hadda ku xiran saldhigga booliska waxaana la filayaa inuu maxkamad kasoo hor muuqdo isagoo loo heysto dabiyo ku saabsan inuu lacago ku qaatay qaab sharci daro ah.

Booliska ku howlan baadhitaanka dambiyada ninkan ayaa ka codsaday dadka kale ee dhibaneyaasha ah inay lasoo xiriiraan, lana soo wadaagaan macluumaadka ku aaddan qaabka uu u dhacay.

Dhacdadan ayaa kusoo adday xilli isbucyadii lasoo dhaafay waddanka dariska la ah Kenya ee Soomaaliya laga hadal hayay nin qaab khiyaano ah ku dhici jiray gabdhaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this