Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo siidaysay gabdho u xirnaa qaadashada calanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuqaal: Gabdhaha, waalidiin, dhaqan iyo mas’uuliyiin ka hadlay siidaynta

Somaliland ayaa maanta xabsiga ka siidaysay 35 gabdhood oo loo xiray qaadashada calanka Soomaaliya.

Gabdhahan ayaa maalmihii dabaal-dega xorriyada Soomaaliya laga qabtay magaalada Boorama, waxayna muddo ku xirnaayeen xabsi ku yaalla magaalada Gabiley.

Gabdhaha ayaa kamid ahaa 279 qof oo ku xirnaa xabsiyada Somaliland oo maanta lagu siidaayay xafis madaxweyne.

Dhanka kale waxaa weli xabsiyada Somaliland ku jira wiilal loo xiray qaadashada calanka Soomaaliya.

Somalilad bishii hore magaalooyinka Laascaanod iyo Boorama ku xirtay dhalinyaro isugu jira gabdho iyo wiilal ku labistay dhar ay ka muuqato astaanta calanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo siidaysay gabdho u xirnaa qaadashada calanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this