Sign in to follow this  
Deeq A.

Cafis Madaxweyne+Wareegto ka soo baxday Qasriga Madaxtooyada S/land

Recommended Posts

Deeq A.   
CAFIS MADAXWEYNE: 19/07/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-697/072021, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Cafis
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;
Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/208/2021, kuna taariikhaysan 17/07/2021;
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/192/2021, kuna taariikhaysan 17/07/2021;
Markaan Tixgaliyey: Munaasibaadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka 2021, kuna beegan 1442;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 279 (Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.
Cafiskan waxa fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.
219479387_4096076153839540_3197182506507
 wraeegto.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this