Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhadda TPLF oo weerar ka fulisay gobol ka baxsan Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhadda hubaysan ee gobolka Tigray (Ethiopia) ayaa fuliyey holwgallo ka dhan ah ciidamo taageersan dowladda oo ku sugan gobolka deriska ah ee Cafarta.

Af-hayeenka jabhadda Getachew Reda ayaa AFP u sheegay in howlhgalka oo ahaa mid kooban, lala beegsaday ciidamo si gaar ah u tababaran iyo maleeshiyo kasoo jeeda gobolka Oromada oo isku urursanayey xuduuda Tigray iyo Cafarta.

Afhayeen u hadlay gobolka Cafarta kama jawaabin codsi la doonayey inuu arrintan uga hadlo.

Arrintan ayaa imaneysa iyada oo dhowr ka mid ah maamullada dalka Ethiopia ay sheegeen inay ku biirayaan dagaalka, si ay gacan u siiyaan ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST

The post Jabhadda TPLF oo weerar ka fulisay gobol ka baxsan Tigray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this