Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka billaabay olole doorasho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay u yeereen odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho, ganacsato, iyo qaar kamid ah macalimiinta Jaamacadaha gobalka Banaadir, waxayna kala hadleen arrimo quseeya doorashada Soomaaliya.

Saraakiil amni oo ku sugan Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobalka Banaadir, balse u dhaxeeya labada Shabeelle, uu dhinacyadan kala hadlay sidii loo taageeri lahaa in Al-Shabaab xubno ay wadato ay u galaan baarlamanka Soomaaliya. 

“Waxaan la fariisanay afar qof oo kamid ah qeybaha bulshada oo ay u yeereen waxayna dhamaantood kala hadleen arrimaha doorashada, ma rabo inaa ku siiyo xogta oo dhameystiran laakiin waxaan kuu sheegayaa in sanadkaan Al-Shabaab dhaq dhaqaaq xoog leh wadaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’aaha ammaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Al-Shabaab dadka ay u waceen ay isugu jiraan laba qeybood oo kala ah, kuwa ay rabaan in ay Xildhibaano ka dhigtaan iyo kuwa ka shaqeeya sidii ay Al-Shabaab xubno baarlamaan u heli lahaayeen. 

“Al-Shabaab waxay rabaan in dad la yaqaano oo aan laga shakin doonin in ay Xildhibaano ka dhigtaan waxayna dhax-galayaan bahda waxbarashada iyo ganacsatada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalka la hadlay Caasimada Online.

Dhowr jeer oo hore ayaa dowladda Soomaaliya looga digay in Al-Shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay kaga mid noqdaan doorashada Soomaaliya, ayaga oo horey ugu yeeray odayaasha soo xulaya ergooyinka, waxaana muuqato in qorshahaas uu hadda banaanka u soo baxayo. 

The post Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka billaabay olole doorasho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this