Sign in to follow this  
Deeq A.

Bashar al-Assad oo markii afraad loo dhaariyay madaxweynaha Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad oo si rasmi ah dib loogu doortay markisii afraad bishii May ayaa loo dhaariyay madaxweynaha dalkaas Sabtidii shalay aheyd, inkasta oo ay jireen dalal badan oo reer Galbeed ah oo wax isdabamarin ku eedeeyay.

Bashar al-Asad oo muddo todoba sanadood ah sii ahaan doona Madaxweynaha Suuriya ayaa rogga cas ee qasriga madaxtooyada waxaa ku soo dhaweeyay koox militari ah, isagoo la hadlay dadweyne aad u badan oo iskugu jiray saraakiil iyo marti share kale.


Laba sarkaal oo ciidan ah ayaa waday nuqullo ka mid ah Quraanka iyo dastuurka Suuriya oo uu Assad ku dhaartay.

Wuxuu ku sheegay khudbadiisa in sababaha ugu weyn ee dhibaatada dhaqaale ee Suuriya ay hada tahay xayiraadda ay saareen bangiyada Lubnaan hantida dalkiisa.

PUNTLAND POST

The post Bashar al-Assad oo markii afraad loo dhaariyay madaxweynaha Suuriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this