Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaska Madaxweynihii La Dilay Ee Haiti Oo Dib Ugu Laabatay Hoygeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Haiti)-Martine Moïse oo hore loogu dhaawacay weerarkii bishan July 7-dii lagu dilay Saygeeda, Jovenel Moïse ayaa  la sheegay inay dib ugu laabatay Hoygeeda gaarka, kadib markii lagu soo daaweeyey cisbital ku yaalla magaalada Miyaami ee dalka Maraykanka.

Martine Moïse oo soo kireysatay Diyaarad Khaas ah ayaa waxay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla Caasimada dalkaasi ee Port-au-Prince.

Raysal wasaaraha Ku-meel-gaadhka ee dalka Haiti, Kaluwde Josef iyo Saraakiil kale ayaana soo dhaweeyey Carmalada oo wadatay Dhar madow iyo Jaakadka aysan xabbaduhu ka dusi Karin, iyadoo uu xadhiga madow uu kaga xidhnaa gacanta Midig.

Dhinaca kale, Saraakiisha Dowladda Haiti waxay shaaciyeen in maydka Madxweynihii hore, Jovenel Moise bishan July 23-ad lagu aasi doono magaalada Keeb Haytiyan oo ku taallo Waqooyiga dalkaasi, iyadoo Xaaskii uu ka geeriyooday la rajeynayo inay goobjoog ka noqoto Aaskiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this