Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Dhul Ay Ka Qaaday Dad Danyar Ah Oo Ku Yaalla Bariga Magaalada Hargeysa Gaar Ahaana Tuullada Hallaya Ku Mustafaynaysa Xildhibaanno Iyo Dilaalinta U Addeegaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay dhul ay dad- danyar ah kala warreegtay oo ku yaalla dhinaca barri ee Magaalada Hargeysa gaar ahaana dulleedka tuullada Hallaya ay hadda u addeegsanayo arrimo siyaasadeed iyo danaha Xisbiga KULMIYE.

Dhulkan oo la sheegay in cahdigii Dawladii siyaad Barre uu ahaa Saaro oo markii dalka la soo gallay ay qabsadeen dadka degaankaas,haseyeeshee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay ka qaaday dhulkaas.

Dhanka kalene Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa ayaa la sheegay inay dhulkaas saarihii karaashka Hallay ay hadda u addeegsanayso danno siyaasadeed oo la xidhiidha damaceeda shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay baloogyo siinayso shaqsiyaad,kuwaas oo lagu sheegay dilaaliin iyo Xildhibaannada ay soo gacan gelinayaan.

Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Waxaan maqlay in Madaxweynuhu halkii karaash boorigaraamka ee Hallaya kantaroolka Berbera looga baxa mara in yar la dhaafo meel la odhan jiray oo berrigi hor seeraha ahayd karaash Borigaraamka joogay oo markii dambe dadkii degaanku iska qabsadeen ,ayaa laga qaaday iminka meeshaa waa la qaybsaday ,haddii ay noqon lahayd nimanka Xukuumadda tageera ,haddii ay noqon lahayd Xukuumadda laftigeeda iyo Xildhibaannadan hadda la mustafaynayo ee la leeyahay taageera faratoon waxaas oo dhamba Baloogyo ayaa laga siinayaa ayaan maqlay .” ayuu yidhi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this