Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafkii doorashada ee GEDO oo xal laga gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabahaarey (Caasimada Online) – Guddiga dib u heshiisiinta ee loo magacaabay arrinta gobolka Gedo, kadib shirkii golaha wada-tashiga qaran ayaa shaaciyey inay soo gabagabeeyeen dadaalladii ay ka wadeen degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Guddiga ayaa waxa uu shaaciyey inay guuleysteen dadaalladii ay wadeen ee dib u heshiisinta gobolka Gedo si xal loo gaaro, ka hor doorashada ka dhaceysa gobolkaasi.

Guddoomiyaha guddigan, ahna wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in ay heleen garab istaag dhab ah, isla-markaana ay ka miro-dhaliyeen dadaalladii dib u heshiista ee degmada Garbahaarey.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Gedo inay taageeraan go’aanada kasoo baxaya guddigooda ee lagu wajahayo doorashooyinka.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa soo dhoweeyey dadaallada guddiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in lasoo afjaray khilaafkii ka taagnaa degmada Garbahaarey, ayna diyaar u yihiin doorashada xildhibaanada.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii uu u fuli lahaa heshiiskii horay looga gaaray doorashooyinka oo ay qeyb ka aheyd arrinta Gedo.

“Guddiga doorashooyinka qabanaya, ergada iyo cid waliba oo imaaneysa Garbahaarey waxa aan kuso dhaweyneynaa gacmo furmo waana kala shaqeyneynaa fulinta heshiisyadii doorashooyinka dalka,” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Buulle Gareed.

Dhinaca kale xubnaha guddiga oo saaka ka amba-baxay Garbahaarey ayaa gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo, iyaga oo la kulmi doono madaxweynaha Jubbaland oo la sheegay inay u gudbin doonaan liiska afar musharrax oo waxgaradka Garbahaarey u soo gudbiyeen, kuwaas oo u sharraxan xilka guddoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa.

Magacaabista maamulka degmada Garbahaarey iyo inuu ku dhawaaqo Axmed Madoobe ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii siyaasadeed ee horay loogu gaaray magaalada Muqdisho.

Si kastaba, hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muhiim ah oo lagu dhawaaqay sida ay u dhacaan doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

The post Khilaafkii doorashada ee GEDO oo xal laga gaaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this