Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya oo xirtay in ka badan 300 oo qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska Itoobiya ayaa sheegay in ay xireen in ka badan 300 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay taageerayeen jabhadda ka dagaallanta gobolka ku yaalla waqooyiga dalkaas ee Tigray.

Dadkan waxaa laga qabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Taliyaha booliska Getu Argaw ayaa sheegay in albaabada laisugu dhuftay goobo ganacsi oo laga shakiyay inay lahaayeen dadkan la qabtay.

Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkan la xiray la garaacay isla markaana loo kaxeystay meel ka baxsan magaalada Addis Ababa.

Mas’uuliyiinta waxay beeniyeen in la beegsanayo qowmiyadaha qaar.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Itoobiya oo xirtay in ka badan 300 oo qof appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this