Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada heer Federaal oo La Kulmay guddiga Amniga doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal iyo Guddi hoosaadka amniga ee GHDHF ayaa kulan la qaata Guddiga amniga doorashooyinka dalka ee la filayo inay maalmaha soo socda bilowdan.

Kulanka Guddiyada ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada labada ee Baarlamaanka Federaalka ee dhawaan si rasmi ah u bilaabanaya.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal warbixin ka siiyey shaqooyinka u qabsoomay iyo diyaar garoowga ay wadaan laamaha amniga ee loogu tala-galay sugida amniga.

Guddoomiyaha Guddiga amniga ahna Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo howlaha sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, isla markaana ay dardar-gelin doonaan shaqooyinkooda.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashada heer Federaal oo La Kulmay guddiga Amniga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this