Deeq A. Posted July 18, 2021 Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu af-duubay dad shacab ah oo ku safrayay laamiga. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabley hubaysan ay gaari kala dageen dadkaas islamarkaana af-duubteen. Dadka la af-duubtay ayaan ilaa iyo haatan la aqoon meel la geeyay waxaana dadka degaanka laga soo xigtay in af-duubkan daba socday kadib markii Somaliland xirtay nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur. Cabdikariin Cali Nuur ayaa Laascaanood lagu xiray kadib markii uu taageero u muujiyay madaxweyne Farmaajo waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera. PUNTLAND POST The post Dad lagu af-duubtay degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites