Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka qarxay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa saaka weerar culus oo dhawr jiho ah ku qaaday tuulooyin ku dhow degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada iyo dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa sida wararku sheegayaan haatan ka socda nawaaxiga degaankaas Camaara oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in ay ku wajahan yihiin degaanka Camaara, si ay halkaas uga saaraan ururka Al-shabaab oo gacanta ku haya.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ayaan weli faahfaahin laga helin waxaana lagu soo warramayaa in dagaalku ku sii fidayo degaanno horleh.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo ka qarxay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this