Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Itoobiya oo Adis-ababa ku xidhay in ka badan 300 qof oo Laga shakiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Itoobiya oo Adis-ababa ku xidhay in ka badan 300 qof oo Laga shakiyey

 tplf7.jpg

Booliska Itoobiya ayaa sheegay inay xireen in ka badan 300 qof oo lagu tuhunsan yahay inay taageerayeen jabhadda ka dagaallanta gobolka ku yaalla waqooyiga dalkaas ee Tigray.

Dadkan waxaa laga qabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Taliyaha booliska Getu Argaw ayaa sheegay in albaabada laisugu dhuftay goobo ganacsi oo laga shakiyay inay lahaayeen dadkan la qabtay.

Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkan la xiray la garaacay isla markaana loo kaxeystay meel ka baxsan magaalada Addis Ababa.

Mas’uuliyiinta waxay beeniyeen in la beegsanayo qowmiyadaha qaar.

Ciidamo dhowr ah oo ka kala socda gobollada Itoobiya ayaa loo daabulay gobolka Tigray si ay dagaal ugu qaadaan jabhadda Tigray kuwaas maalmihii lasoo dhaafay qabsaday dhul badan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this