Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Saudi Arabia oo shaacisay inya Goobaha Ganacsigu furnaan karaan xilliyada salaadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Saudi Arabia oo shaacisay inya Goobaha Ganacsigu furnaan karaan xilliyada salaadaha

 

 salaad.jpg

Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ugu oggolaatay ganacsiyada in ay furnaan karaan xilliyada la tukado shanta salaadooda.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2017-kii waxa uu sameeyay isbadallo ballaaran oo dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah kuwaasi oo lagu doonayo in lagu yareeyo ku tiirsanaanta boqortooyada ee saliidda.

“Dukaamada iyo ganacsiyada kale ayaa sii furnaan doona maalinta oo dhan iyo gaar ahaan xilliyada salaadaha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Rugta Ganacsiga ee dalkaasi.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah faafista coronavirus waxaana looga gol leeyahay in laga fogaado “saxmadda iyo safafka dhaadheer ee albaabada dukaamada xiran xilliyada salaadda”.

Sacuudiga ayay ka jirtay siyaasad ku qasbeysa dukaamada in ay xiraan xilliyada la tukanayo shanta salaadood ee waajibka ah taasi oo isku dar shaqaallaha ka jareysa laba saacadood, waana dalka kali ah ee dunida Muslimka ee ay ganacsiyada qassab ku ahayd in ay albaabada u xiraan xilliyada salaadda la tukado.

Shuruucdan cusub ayaa meesha ka saaraya xayiraadihii oo ay xubnaha la-talinta ee golaha shuuradu ku sheegeen in dhaqaalaha Sacuudiga ay sanadkii uga lunto tobanaan bilyan oo riyaalka dalkaasi ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this