Sign in to follow this  
Deeq A.

Cudur la garan waayay oo Haleelay diblumaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Dalka Austria.

Recommended Posts

Deeq A.   

Cudur la garan waayay oo Haleelay diblumaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Dalka Austria.

vienna.jpg
 Caasimadda Vienna ayaa ah xarunta sirddoonka iyo arrimaha diblumaasiyadda

Dowladda Mareykanka ayaa baareysaa xaalado caafimaad darro ah oo soo wajahday diblumaasiyiinteeda iyo shaqaalaheeda ku sugan caasimadda Austria ee Vienna.

In ka badan 20 sarkaal ayaa lagu soo warramay in lagu arkay calaamado la garan waayay oo u eg xanuunno la garan waayay oo maskaxda ku dhaca tan iyo markii uu xilka qabtay Biden bishii January.

Xanuunkan ayaanan wax faahfaahin ah laga bixin balse seynisyahanada waxay sheegayaan in uu sababay shucaaca ka dhasha qalabka wax lagu kululeysto.

Xanuun noocan ah waxaa lagu arkay dalka Cuba sanadihii 2016-2017.

Diblumaasiyiin Amerikaan iyo Canadian oo ku sugnaa caasimadda cuba ee Havana ayaa ka cawday xannuuno ay kamid yihiin wareer, maqalka oo ka luma iyo daal.

Mareykanka wuxuu ku eedeeyay Cuba in ‘dhawaaq xooggan ay ku furtay diblumaasiyiintiisa’ halka Cuba ay beenisay eedeymahaas, waxay arrintaas horseeday in cirka ay isku shareerto xiisadda ka dhex taagan labada dal.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this