Sign in to follow this  
Deeq A.

laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska S/land  oo looga Duceeyay Masaajid ku yaalla Hargeisa

Recommended Posts

Deeq A.   

laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska S/land  oo looga Duceeyay Masaajid ku yaalla Hargeisa

 haybe.jpg

“Waa la innagu soo duulay waxaana  innagu soo duulay dadkeena qaar ka mid ah ee booliska aan la shaqayno.”

Sheekh Maxamed Haybe, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay uu ka jeediya Masjidul Rashiid ee magaalad Hargeysa, ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahy isgarabtaga ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, iyo in aan ciidanku kaligii wax qaban karin, cidda la badbadinayaana ay tahay da’yarteena.

Dhanka kale waxa uu Sheekhu masaajidka uga duceeyay laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, oo uu sheegay in ay diideen inay laaluush ka qaataan dad daroogo soo geliyay waddanka, isla markaana sharciga hor keeneen, gaadhi khamri siday iyo dadkii ka ganacsanayay oo Qaad u soo eegaysiiyay.

Sidoo kale Sheekhu waxa uu ku boggaadiyay labadaasi askari iyaga oo aan hal dolar haysan in ay ka dhawrsadeen xaaraan, natfooda iyo dalkoodana uga tudheen.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dedaalka taliyaha ciidanka booliska Somaliand ugu jiro la dagaalanka maandooriyaha iyo xumaanta, waxaanu yidhi “Walaalayaal aniga oo mimbarka saaran waxaan halkan uga ducaynayaa taliyaha ciidanka booliska kheyr ILLAAHEY ha siiyo, shaqo fiican buu hayaa, aqoon isuma lihi oo garasho iyo aqoon naga dhaxaysa uguma ducaynayo, balse shaqada wanaagsan ee uu hayo ayaan ugu ducaynayaa ILLAAHEY caafimaadka ha u barakeeyo.

Waxa aan ugu ducaynayaa Janatul Fardawsa, in ILLAAHEY isaga iyo ubadkiisaba barakeeyo, in ILAAHEY ku abaaliyo hawsha uu qarankiisa u hayo,”

Sheekhu waxa uu ku boggaadiyay labadaasi askari iyaga oo aan hal dolar haysan in ay ka dhawrsadeen xaaraan, natfooda iyo dalkoodana uga tudheen. “Walaalayaal waad arkaysaan maalintii dhawayd inay ciidanku boolisku qabteen, gaadiidka qaadka oo lagu soo qaaday khamri iyo halka uu inala marayo.

Ciidanka kheyr ALLE ha siiyee ninkii askariga ahaa ee qabtay gaadhigaasi khamriga siday waxa la siiyay sadex ku oo doolar isaga oo aan askarigaasi hal doolar haysan balse wuu diiday inuu lacagtaasi qaato, askarigaasi waan u ducaynayaa in ILLAAHEY caafimaadka u barakeeyo, arsaaqada u barakeeyo, awlaada u barakeeyo waajibkiisu gutay laaluushkan wuu diiday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this