Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Seychelles oo sii daysay Soomaali loo haystay denbiyo Budhcad-badeednimo

Recommended Posts

Deeq A.   
Dawlada Seychelles oo sii daysay Soomaali loo haystay denbiyo Budhcad-badeednimo
messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing button
 2021717637621011378521762.jpg

Shan muwaadin oo Soomaali ah oo loo haystay burcad badeednimo ayaa Jimcihii shalay la siidaayay kadib markii maxkamada sare ee Seychelles ay ogaatay in aysan jirin cadeyn ku filan oo ay ku taageerto eedaha loo soo jeediyay.

Maxkamada sare ayaa xukuntay in xilliga la qabtay raggaasi aan lagu helin inay sameynayeen falal burcad badeednimo ah isla markaana aysan wadan wax hub sharci daro ah.

Maxkamadeynta shanta Soomaaliyeed waxay bilaabatay Sebtember 2020, sanad ka dib markii ay qabteen markabkii ciidamada badda ee Yurub (EU NAVFOR).

Howlgalka Atalanta ee qaabilsan ilaalada xeebaha ayaa shanta tuhmane ku wareejiyay maamulka Seychelles sanadka 2019 iyadoo la tixraacayo heshiis wareejin ah oo u dhexeeya jasiiradda iyo Midowga Yurub oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Mukhaadaraadka iyo Dambiyada (UNODC).

Qareenka difaacayay, Joel Camille, ayaa sheegay in kooxda qareenada eedeysanayaasha la bedelay seddex jeer ay kaalin ka qaadatay dib u dhaca ku yimid maxkamayntooda.

Hay’adda UNDOC ayaa qaban qaabinaysa sidii dhalinyaradan loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Balse waxaa laga yaabaa ay bilaabaan dacwado magdhow ah ka dib laba sano oo ay ku jireen xabsiga Seychelles.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this