Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama Giib? Maxaa dhacay markii la diley? Q.4aad k

Recommended Posts

Deeq A.   

Kumuu ahaa Captain Allan Gib (GIIB) sideese loo diley?

Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama Giib? Maxaa dhacay markii la diley? Q.4aad By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia.

Waxay inoo joogtey qaybtii saddexaad in ninkii dawladda ingiriiska uga wakiilka ahaa Burco markii dilka Giib dhacay uu sheegey in magaalada Burco la gubayo oo weliba dhibaatooyin badan loo geysanayo dadka dilka geystey.

Haddaba, Sir Geoffrey Archer (Governor of British Somaliland October 1919 to 17 August 1922) ayaa isgaadhsiintii waqtigaas ee TELEGRAM kula xidhiidhey Sir Winston Churchill oo ahaa xoghayihii boqortooyada ingiriiska u qaabbilsanaa waddamada xukunka ingiriiska hoos yimaadda ama mustacmaradaha ingiriisku u taliyo, wuxuuna siiyey Report ku saabsan Shilka Burco ka dhacay ee dilka GIIB.

Waxaa ku xusan qoraalka inuu ka (murugoonayo inuu u sheego war naxdin leh oo ah in isagoo meel buuq iyo rabsho cashuur diid ka jirto oo u dhaxaysa qabiilka reer Sugulle iyo Cuqaal qabiillo kale ah Giib la toogtey shalay (24 February 1922).

Waxaa dabeeto Giib oo turjumaankiisii wataa uu u baxay meeshu buuqu ka jirey dabeeto askar ka tirsan ciidankii Camel Corps-ku ay isku dayeen iney ka joojiyaan Meesha oo u sheegaan in Meeshu khatar tahay laakiin uu ka madax-adaygay sidaasna niman ku hubeysan qoriga RIFLE ahi ku dileen.

Qoraalkaas TELEGRAM wuu dheeryahay ee dulucdiisa ayaynu hoos usii geleynnaa waana in ARCHER oo la sheegay in reer burco u yaqaanneen CAARSHE oo ah magac somali ah uu dalbaday in labo dayuuradood oo kuwa wax duqeeya ah lagu soo gaadhsiiyo 14 cisho gudahood waayo wuxuu ku hawlannaa qorshe weyn oo ah in beesha wax dishey laga aargoosto.

Wuxuuna kusoo xidhey codsigiisa isagoo soo jeediyay inay rabaan in dadka wax diley lagu xukumo 2500 Halaad (ogow qoraal horena 3000 Halaad baa ku xusnaa in lasoo jeediyey in lagu xukumo dadka diley ninkaas GIIB), isla markaas ay kusii labo jibbaaraan haddii ay bixin waayaan, weliba xoolahooda iyo dhul-daaqsimeedkooda ay ku RUSHEYN doonaan dayuuradaha. (Fine to be doubled in failure to comply with latter conditions and aeroplanes to be used to bomb stock on grazing grounds).

Haddaba, xaajadu waxay kusoo ururtey dayuuradihii la dalbadey oo ah labo kana mid ah raxanta ROYAL AIR FORCE (RAF) ay CADAN kasoo duuleen oo ku dul duuleen dhulkii loo tuhmayey in dadkii dilka geystey u baxsadeen isla markaas BURCO inta dadkii laga saarey dabeeto la duqeeyey.

Waxaa qoraalladaas ku xusan in qabaa-ilkii dilka geystey dabeeto ay oggolaadeen iney magta GIIB bixiyaan laakiin waxay ka madax-adaygeen oo diideen iney sheegeen raggii dilka GIIB geystey iyo iney soo gacan geliyaanba.

Marka sheekadan qaybteeda qoraalka oo aad u dheer aan intan kusoo koobno waxaynu geleynnaa qaybaha danbe oo ku saabsan taariikhaha ODAY KASOO GAADH ama laga soo weriyey jiilkii saddexdaad ee kan immika jooga ka horreeyey, waan ku kalsoonahay in dad badan oo sheekadan DHEG KU MAAL ku haya lagasoo helayo SOMALILAND weliba Togdheer region. La soco qaybta shanaad……..

 

Halkani Ka Akhtiso Qaybtii 3’aad

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this