Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo weli ku gadaaman doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
images-2.jpeg?resize=739%2C415&ssl=1

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdiraxmaan oo hoggaamiya garab ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay in uusan dhexdhexaad ka ahayn doorashada gobollada Waqooyi.

Qoraal ka soo baxay siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu sheeagay in Ra’iisul Wasaare Rooble jabiyay ballanqaad uu sameeyay 19 Juun 2021, oo ay ka mid ahaayeen in guddiga doorashada gobollada Waqooyi laga saaro shaqaalaha iyo ciidamada iyo in xubnaha laga soo magacaabo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay noqdaan dhexdhexaad.

Waxay qoraalka ku sheegeen in ballanqaadka Rooble ahaa in aysan doorashada guddoonka guddiga doorashada ka qeybgelin 3-da xubnood ee laga soo magacaabo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si la mid ah dowlad goboleedyada.

Waxay sheegeen in Ra’iisul Wasaare Rooble ka jawaabi waayay teleefoono iyo qoraalo xal raadina oo uu diray Cabdi Xaashi, taasina ay sababtay in ay soo saaraan qoraalka.

Siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa ku baaqay in la qabto kulan go’aan mideysan looga garayo mideynta guddiga doorashada Somaliland iyo rabraacyada doorashada iyo hagideeda.

FB_IMG_16265375449859674.jpg?resize=700% FB_IMG_16265375493133419.jpg?resize=700%

PUNTLAND POST

The post Khilaafka Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo weli ku gadaaman doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this