Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga UCID Oo Xubinimadii Iyo Xilkiiba Ka Qaaday Cabdinaasir Qodax

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID ayaa xubinimadii iyo xilkiiba ka qaaday Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID kadib markii isaga iyo xildhibaanu uu hogaaminaya isbahaysi la samaysten xisbiga KULMIYE.

Qodax ayaa xisbiga laga saaray kadib markii isaga iyo xildhibaano uu hogaaminayaa ka baxeen isbahaysigi mucaaradka iyagoo Kulmiye kula heshiiyay isbahaysi siyaasadeed.

Afhayeen u hadlay xisbiga UCID, ayaa si rasmi ah u caddeeyay in Qodax laga caydhiyay xisbiga UCID.

“Xisbigu wuxuu xilkii ka qaaday xogeeye ku xigeenkii xisbiga Qodax, isagoo u cuskaday qodobka 7aad farqadisa 1aad, 2aad, 3aad, 4aad iyo 8aad” ayuu yidhi.

Afhayeenka ayaa sheegay in Qodax iyo xildhibaanada uu hogaaminaya ay ku xad gudbeen wixii bulshadu ugu codaysay oo ah is badal.

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID isla markaana waa xildhibaan kasoo baxay xisbiga UCID.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this