Sign in to follow this  
Deeq A.

Loolanka shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo kala jebiyay xisbiga Ucid

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16265334452261548.jpg?resize=720%

Garab ka mid ah xisbiga Ucid ayaa maanta heshiis ku saabsan shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland la gaaray xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye iyo garabka Ucid ayaa ku heshiiyay in xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo Kulmiye ka tirsan loo dhiso guddoomiyaha Golaha wakiillada, halka Siciid Faarax Mire (Giirre) iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo Ucid ka tirsan loo dbiso guddoomiye-ku-xigeenka koowaad iyo labaad.

Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in xafladii heshiis lagu shaacinayay ay ka soo qeybgaleen 11 xildhibaan oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Ucid uga soo baxay doorashadii Golaha Wakiillada oo ay wehelinayaan siyaasiyiin saameyn ku leh xisbigaas.

Garabka kale ee xisbiga Ucid ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiska ay gaareen garabka iyaga ka mid ah iyo xisbiga Kulmiye, waxaana arrintaas ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ay sheegeen in uu qabyaaladeynayo dimuqraadiyadda.

Hoggaamiyaasha xisbiyada muraadka Somalilad Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhawaan gaaray heshiis ku saabsan shir-guddoonka Golaha Wakiillada, waxayna shaaciyeen magacyada musharaxiinta ay u dhisayaan.

FB_IMG_16265336580007440.jpg?resize=720%

Labada xisbi ee muraadka ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada u sharaxay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan Waddani, kana soo baxay gobolka Sool.

Sidoo kale guddoomiye xigeennada koowaad iyo labaad ayay u sharaxeen Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka Sanaag iyo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka Awdal, kuwaas oo labaduba ka tirsan xisbiga Ucid.

Tallaabadaas ayaana ah tan sababtay in uu kala jabo xisbiga mucaaradka Ucid oo garab ka mid ah heshiis la gaaro xisbiga Kulmiye.

PUNTLAND POST

The post Loolanka shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo kala jebiyay xisbiga Ucid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this