Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada huwanta oo dib u qabsaday Bacaadweyn iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo Kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta dib u qabsaday degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo Al-shabaab dhawaan qabsadeen, markii ay muddo kooban ku sugnaayeen ciidamada Galmudug.

Ciidamada huwanta oo ka kala tirsan qeybta 21-aad ee milateriga, kuwa Danab iyo ciidamada Galmudug oo ay hawada sare ka taageerayeen diyaarado ayaa gudaha u galay Bacaadweyn kadib markii ay isaga baxeyn ciidamadii Al-Shabaab ka tirsanaa markii ay ka war heleyn duulaanka kusoo socda.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa Xalay saq dhexe isaga baxay degmada Bacaadweyn, waxaana saaka gaaray Ciidamada Dowladda, iyadoo muuqaalo muujinayo guusha ay gaareen ciidamadaas lagu soo daabacay warbaahinta Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimada Online, Ciidamada huwanta ah ayaa horey usii dhaafay degmada Bacaadweyn, waxayna Al-Shabaab kasii qabsadeyn dhowr tuulo oo qiyaastii 6km u jira Degmadaas.

Shalay ayey ahayd markii gaari uu waday ruux is-miidaamiye ah uu beegsaday ciidamada Galmudug ee  ku dhowaa Bacaadweyne, iyadoo qaraxaasi ay warar iska horjeeda ka bixiyeen Galmudug iyo Alshabaab.

Waxaa jirto cabsi ku aadan in kooxda Al-Shabaab ay soo qaado dagaal rogaal celis ah inkastoo wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaarayo ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameysteen difaacyo adag.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamo xoog leh soo dhoobtay qeyb kamid ah Gobolka Mudug, waxayna xogta hoose sheegeysaa in dagaalka ciidamada Dowladda uu sii socon doono inta Al-Shabaab laga saarayo Xarardheere oo ah saldhig weyn oo ay kooxdaan ku tababarto maleeshiyaadka.

217603838_4431099010284190_8874284474577 217151574_4431098866950871_6956660723288 217993278_4431199520274139_5982081941501 217390861_4431199513607473_2219337257164

The post Sawirro: Ciidamada huwanta oo dib u qabsaday Bacaadweyn iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this