Sign in to follow this  
Deeq A.

“Naf Iyo Maalba Waan U Huraynaa La Dagaalanka TPLF…” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed ayaa waraysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in ciidamada deegaanka ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacan wax kasta oo lid ku ah qaranimada Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Dowlad Deegaanka Itoobiya uu mar walba diyaar u yahay la dagaalanka jabhadda TPLF ayna naf iyo maalba u hurayaan.

Mar wasiirka wax laga weydiiyay hadallada la isla dhexmaraya ee sheegaya in ciidan ka socda dowlad deegaanka la gayn doono waqooyiga Itoobiya oo ay la dagaalami doonan TPLF ayaa wuxuu kaga jawaabay: “Ciidamada la yidhi waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayna xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan anaga u shaacinnay.”

“Waxaan rabaa in dadka deegaanka aan u sheego in ciidamadaan ay yihiin kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida, waa xoogagii difaacayay deegaanka, waxayna kaalin ku leeyihiin difaacidda qaranka Itoobiya, tusaale ahaan waxay ka qayb qaateen dagaalkii Eriteria iyo Itoobiya. Ciidamada Dowlad Deegaanka waxay sidoo kale ahaayeen kuwii la dagaalamayay Al-shabab ee xuduuda Soomaaliya galay.” Ayuu raaciyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this