Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo maanta tallaabo horleh u qaaday qabashada doorashada Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubaland, ee la filayo inay daba-yaaqada bishan ka billaabato Kismaayo.

Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.

Xubnaha Guddiga la magacaabay oo ka koban 9 Xubnood ayaa waxaa ay guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kala shaqeyn doonaan qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo Xildhibaannada Aqalka ay dooranayaan Baarlamaanka Jubaland.

Shalay ayaa waxaa Xubnaha guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland ay ku dhawaaqeen in doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ay waqtigeeda ku qabanayaan xilli ay jiraan culeyso badan oo siyaasadeed.

Musharaxiinta dooneysa in ay kamid noqdaan baarlamaanka 11-aad ee soo aadan oo lacagta diiwaangelintoodu tahay 20-kun oo doolar ayay ugu baaqeen in ay si deg-deg u soo gudbiyaan codiyadooda ama araajidooda.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka 

 

Guddiga-1.jpg

 

The post Jubaland oo maanta tallaabo horleh u qaaday qabashada doorashada Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this