Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo dib uga soo laabtay fasax saddex Cisho ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa saaka oo Sabti ah dib u furmaya, kadib mudda saddex maalmood ah oo xildhibaannadu fasax ku maqnaayeen.

Ajandaha Fadhigan ayaa lagu sheegay ka doodista Hindise-xeereedka dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo Madaxweynaha Puntland u soo gudbiyey Baarlamanka.

Hindise-sharciyeedkan dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland waxa akhriska labaad mariyay guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee golaha.

Mudanayaasha ayaa la filaya in ay dood kadib ansixiyaan Xeerkan oo muhiim u ah dhawrista goobaha Taariikhiga ah.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo dib uga soo laabtay fasax saddex Cisho ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this