Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Seychelles oo sii daysay rag Soomaaliyeed oo Burcad-badeednimo loo haystay

Recommended Posts

Deeq A.   
2-17.jpg?resize=640%2C311&ssl=1

Dowladda Seychelles ayaa sheegtay in ay sii daysay shan nin oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haystay danbiyo la xiriira Burcad-badeednimo.

Maxkamadda Sare ee Seychelles, ayaa sheegtay in aysan jirin wax caddayn oo muujinaya in Raggaas ay Burcad-badeed ahaayeen, sidaas darteedna xabsiga looga sii daayay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Seychelles, ayaa laga soo xigtay in ragga la sii daayay lagu celin doono dalkoodii Soomaaliya.

Waxa xusid mudan, in weli aan la shaacin magacyada ragga la sii daayay, islamarkaana aan faahfaahin intaas ka badan laga bixin xogtooda.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Seychelles oo sii daysay rag Soomaaliyeed oo Burcad-badeednimo loo haystay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this