Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo kordhay Baarlamanka Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo saaka ka soo laabtay saddex maalmood oo fasax ah ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda.

Hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland ayaa Baarlamanku dib ugu celiyay wasaaradda Warfaafinta, waxaana xildhibaannada lagu wargeliyay in ay fasax yihiin mudda afar maalmood ah, islamarkaana dib u soo laabtan Khamiista todobaadkan.

Fasaxa ayaa ku soo beegmay, iyadoo isu- soo dhowaansho laga muujiyay khilaafkii ka dhashay wax-ka beddelka xeer-hoosaadkii Baarlamanku ansixiyay, kadib wada-hadal dhexmaray dhinacyada.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan dib ugu soo laabto caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Deni, ayaa sida wararku sheegayaan kulamo gaar ah la yeelan doona xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamanka, si loo xalliyo murankii ka dhashay wax-ka beddelka Xeer-hoosaadka.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka soo kordhay Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this