Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartan gabayada ah oo lagu soo gabagabeeyay Buuhoodle

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16264677010489469.jpg?resize=720%

Magaalada Buuhoodle waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay tartan dhanka gabayada ah oo muddo labo maalmood ah halkaas ka socday.

Tartanka oo ay soo qaban-qaabiyeen dhaliyaro lagu magacaabo Qaryadaada Quruxso waxaa ka qeybgalay boqolaal qof oo qaarkood ay ka yimaadeen degaannada kale ee Soomaalida, waxayna u jeedada loo qabtay ahayd in la soo bandhigo jiil cusub oo noqda abwaano.

FB_IMG_16264766734822366.jpg?resize=720%

Goobta tartanka lagu qabtay waxaa lagu soo bandhigay sawirada qaar kamid ah dadkii ugu magaca dheeraaa suugaanta Soomaalida ee ka soo jeeday deegaanka Buuhoodle.

Ilaa 30 qof ayaa tartamay, waxaana kala saarayay oo garsoorayaal ka ahaa tartanka abwaano Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Jaamac Kadiye, Yuusuf Suusle iyo Cali Food Xasan.

Tartanka waxaa kaalinta kowaad ka galay Cabdullaahi Faarax Odawaa, halka kaalinta labaad uu galay Khadar Maxamed Cismaan, kaalinta saddexaadna waxaa galay Cabdirashiid Axmed Yuusuf, guuleystayaasha oo loo aqoonsaday abwaano ayaa la guddoonsiiyay abaalmarino lacageed.

Tartanka gabayada Buuhoodle oo markii ugu horreysay la qabtay ayaa la sheegay in uu noqon doono mid sanad walba la qabto.

PUNTLAND POST

The post Tartan gabayada ah oo lagu soo gabagabeeyay Buuhoodle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this