Sign in to follow this  
Deeq A.

Jadwalka doorashada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GDHF) ayaa shaaciyay jadwalka guud ee doorashada Baarlamaanka labada laqal ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare

17 ilaa 23 July 2021 ayaa lagu soo gudbin doonaa liiska musharaxaiinta Aqalka Sare.

17 ilaa 23 July 2021 waxaa lagu soo gudbin doonaa cabashada Aqalka Sare.

24 July waxaa la shaacin doonaa liiska kama danbaysta ah ee xubnaha Aqalka Sare.

25 ilaa 28 July 2021 waxaa la qaban doonaa doorashada Aqalka Sare, waxaana u codeyn doona xildhibaanada Golaha Wakiiladda dowlad goboleedyada.

25 ilaa 31 July waxaa la xallin doonaa wixii cabashooyin ah ee la xiriira doorashada Aqalka Sare.

1 August 2021 waxaa lagu dhawaaqi doonaa natiijada rasmiga ah ee Aqalka Sare.

Doorashada Golaha Shacabka

2 ilaa 11 August 2021 waxaa la xuli doonaa guddiyada soo xulaya ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka (Aqalka Hoose).

2 ilaa 14 August 2021 waa waqtiga cabashada guddiyada soo xulaya ergooyinka.

4 ilaa 15 August 2021 waxaa lagu dhawaaqaya liiska ugu danbeeya ee guddiyada soo xulaya ergooyinka.

16-19 August 2021 waxaa tababar loo qaban doonaa guddiyada soo xulaya ergooyinka.

20 ilaa 25 August 2021 waxaa la soo gudbin doonaa liisaska ergada doorashada.

21 ilaa 28 August 2021 waxaa la gudbin doonaa cabashooyinka la xiriira ergooyinka.

22 Aug. ilaa 4 September 2021 waxaa la xallin doonaa cabashooyinka ergooyinka.

5-10 September 2021 waa xaqiijinta, diiwaangelinta iyo shaacinta liiska kama danbaysta ah ee ergooyinka.

1 ilaa 10 September 2021 waxaa la diyaarin doonaa goobaha codbixinta.

11 Sept. ilaa 1 October 2021 waxaa tababar la siin doonaa ergooyinka.

Diiwaangelinta Musharaxiinta Golaha Shacabka

1 September 2021 waxaa la shaacin doonaa waqtiga bilaabashada codsiyada musharaxiinta Golaha Shacabka.

2 ilaa 7 September 2021 waxaa la qaban doonaa araajida musharaxiinta Golaha Shacabka.

3 ilaa 12 September 2021 waxaa lagu dhawaaqi doonaa musharaxiinta Golaha Shacabka.

5 ilaa 19 September 2021 waa waqtiga cabashada musharaxiinta.

Codbixinta iyo soo saarista natiijada doorashada

12 Sept. ilaa 2 October 2021 waxaa la qaban doonaa codbixinta doorashada Golaha Shacabka.

12 Sept. ilaa 2 October 2021 waa hubinta iyo soo saarista natiijooyinka doorashada kama danbaysta.

13 Sept. ilaa 4 October 2021 waxaa la xalin doonaa khilaafaadka.

20 Sept. ilaa 5 October 2021 waxaa lagu dhawaaqi doonaa natiijada kama danbaysta ah iyo shahaado siinta xildhibaannada la doortay.

7 October 2021 ayaa ugu danbayna la dhaarin doonaa Golaha Shacabka.

FB_IMG_16264531687110094.jpg?resize=720% FB_IMG_16264531723037525.jpg?resize=720% FB_IMG_16264531758455924.jpg?resize=720% FB_IMG_16264531797543703.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Jadwalka doorashada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this