Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo Albaabada isu Dhuftay Addis Standard

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Abiy Axmed ayaa leysinka shaqada kala laabtay warbaahinta madaxabannaan ee Addis Standard, taasi oo keentay iney shaqada joojiyaan.

Qoraal kasoo baxay Jakenn Publishing P.L.C ayaa lagu sheegay in maanulka Addis Standard uu akhristayaasha ku wargelinayo  iney shaqada joojinayaa laga bilaabyo 15-ka July.

Waxaa qoraalka lagu xusay iney ka xun yihiin balse ay sidaa dhacday kadib markii Leysnidii ay kala noqotay dowladda Itoobiya.

Ugu dambeyntii, waxaa ay balanqaaday iney dib u bilaabi doonaan hababka kasta oo ugu macquulsan, laakin ma sheegin waqtiga iyo goobta.

kow.jpg

Abiy Axmed oo noqday nin keligii taliyey dhiigyacab ah ayaa kusi dartii waxaa u dilay boqolaal Tigrey ah isaga oo burburiyey magaalooyinka.

Inkasta oo beesha caalamka ay dhaleeceysay falalka waxashnimada ah ee Abiy Axmed laakin uma muuqdo nin istaagaya, isaga oo saacadihii tagay sheegay in dulqaadkii ka dhamaaday.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this