Sign in to follow this  
Deeq A.

“Soomaaliya Waxay Malaayiin Dollar U Qorshaysay Burburka Somaliland…” Adna Aadan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Adna Aadan Ismaciil, ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay Somaliland burburinayso.

Dr Adna Aadan ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay malaayiin dollar ku kharash garaynayso burburinta Somaliland.

“Markii awood doorasho ay ku samayso ay waday hadana waxay malaayiin dollar ay u qorshaysay burbur ka Somaliland” ayay tidhi.

Adna ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqday in deeqaha caalamku siiyo ay doorashada ku maal galiso.

“Calan yar oo inan yari qaatay Somaliland dumin kari maaye madficiiba dumin kari waaye, intaa aad meelaha kaso xadeen doorasho ku qabsada” ayay tidhi.

Adna ayaa ku andacootay in ay fiicantahay in Soomaaliya dowlad fiican dhisato intii ay Somaliland ku mashquuli lahayd.

“Lacagta idinku isku maamula oo maamulkiina hagaajiya oo baryadan caalamka ka baxa” ayay tidhi.

“Wakaa dadkiinii bilaa dowlada ahe dowlad ku dhista” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Hadalka Dr Adna ayaa u dhigan in dowlada Soomaaliya ay maal galiso dhalinyarada reer Somaliland ee qaata calanka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this