Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay war-saxaafadeedka ay soo saareen guddiga doorashooyinka Jubaland?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16264289273596090.jpg?resize=719%

Guddiga doorashooyinka dadban ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay doorashada ku qaban doonaan waqtigii loogu talagalay, iyagoo tixraacaya heshiisyadii doorashada ee 17 September 2020, 27 May iyo 29 June 2021.

Guddiga oo maanta qabtay war-saxaafadeed ayaa soo saaray qodobo dhowr ah oo la xiriira doorashooyinka labada aqal ee heer Jubaland.

Guddiga ayaa baarlmaanka Jubalanad ugu qaaqay in ay sida ugu dhaqsaha badan u magacaabaan guddi kala shaqeeya doorashada Aqalka Sare oo muddaysan 25 bishan July.

Sidoo kale guddiga ayaa ugu baaqay musharaxiinta doonaya in ay tartamaan kuraasta Aqalka Sare in ay isu diyaariyaan doorashada.

Guddiga waxaybka codsadeen dowladda Jubaland in ay u diyaar garowdo sugida amniga doorashooyinka.

Ugu dambeyna guddiga ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo saari doonaan jadwalka fulinta doorashada Aqalka Sare oo faahfaahsan.

FB_IMG_1626431648506.jpg?resize=665%2C10

PUNTLAND POST

The post Muxuu yahay war-saxaafadeedka ay soo saareen guddiga doorashooyinka Jubaland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this