Sign in to follow this  
Deeq A.

Kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo la isku haysto

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210716_001827792.jpg?resi

Beesha Fiqishini oo ka mid ah beelaha Mogadishu Clan, kana mid ah beelaha dega gobollada Waqooyi ayaa ku doodaysa in ay xaq u leeyihiin kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo hadda ay haysato beesha Dir Waqooyi.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ka hadlayay shir looga hadlay arrinta kursigaas oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay hadii Dir Waqooyi ay siin weydo mid ah mid kuraasta Somaliland ay xoogayaan kursi Aqalka ee Dir koonfureed ku leedahay Galmudug.

“Hadii nala ka dhaco kursiga Waqooyi waxaan xoogaynaa kan Dhuusamareeb ee Dir koonfureed, wallaahi labo cali isweydiinmayso, Qoorqoor-na labada dhegood baan goynaynaa” ayuu yiri Xaaf.

Xaliimo Yarey iyo odayaal la beel ah ayaa sidaan oo kale shir dhawaan ka dhacay Muqdisho waxay si kulul uga hadleen arrinta kursigan, iyagoo siyaasiyiinta Waqooyi gaar ahaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ku eedeeyay in ay uu diidan yihiin xaqa ay ku leeyihiin kuraasta Waqooyi.

Kuraasta Aqal Sare ee gobollada Waqooyi oo ka kooban 11 kursi ayaa doorashadoodu ka dhacaysaa magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo la isku haysto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this