Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada Ka Soo Baxay WADDANI Iyo UCID Ee Ka Soo Jeedda Beesha GARXAJIS Oo Kulan La Yeeshay Xubnaha Ay Isbahaysigu U Xuleen Shirguddoonka Wakiillada.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada ka soo baxay Waddani iyo UCID,  ee ka soo jeedda Beesha West Burco Clan ayaa kulan la yeeshay saddexda Xubnaha Isbahaysigu u xuleen in ay noqdaan shirguddoonka Wakiillada.

Xubnaha kulankan ka qayb galay ayaa ah 18 Xubnood, waxaana ka maqnaa 2 xubnood mid xanuunsanayey, halka mid kalena hawlo u gaar uu yeeshay uu ku maqnaa.

Waxa iyaguna aan kulan ka muuqan Xildhibaan Naasir Qodax iyo Jamaal Aadan Diiriye oo iyagu ka soo baxay UCID iyo Waddani oo u jan-jeedha dhinaca Kulmiye, kuwaas oo horena u shaaciyey in ay u tartamayaan Guddoomiye kuxigeenka Golaha Wakiillada

Kulankan ayaa ahaa mid dhoola tus oo Xildhibaannada ku muujinayeen taageerada ay u hayaan xubnaha isbahaysigu u qorsheeyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada.

Kulan ayaa sidoo kale ujeeddada laga leeyahay meesha lagaga saaro shaki la geliyo xubnahan la xidhiidhaa warar inta badan goobaha siyaasadda lagu falan-qeeya hadhaysa oo ah in xubnahan aan la hubin in ay u codaynayaan Xubnaha Shirguddoonka ee Isbahaysigu wato.

217332506_243008467651373_82947942583654

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this