Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo toogatay nin kufsaday gabar saddex jir ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Jubbaland ay xukun dil toogasho ah ku fuliyeen Xuseen Aadan Cali ‘oo lagu helay inuu kufsi u geystay’ gabar saddex sano jir ah.

Toogashada ayaa ka dhacday degmada Dhoobley, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin deegaanka ah, waxaana goobjoog ahaa saraakiil ka socotay dhanka maxkamadda.

Ninka toogashada lagu fuliyey oo ay dhowaan gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka ayaa kufsi arxan darro ah u geystay Gacalo Ismaaciil Cabdullahi oo saddex sano jir aheyd, iyadoo ugu dambeyn lagu fuliyey xukunka lagu ridday oo toogasho ahaa.

Gabadha yar oo uu dhaawac daran kasoo gaaray kufsiga lagula kacay ayaa markii dambe u geeriyootay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladeeda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya Xuseen Aadan Cali uu gabadha yar u ahaa adeer, isla-markaana uu qabay hooyadeed, iyada oo wax lala yaabo ay noqotay inuu fara-xumeeyo gabar yar oo uu hooyadeed qabo.

“Gabadha wuxuu u ahaa adeer, wuxuuna qabay hooyadeed, Wallaahi ilaa iyo haatan waa wax lala yaaban yahay sababta ku kaliftay inuu fara-xumeeyo gabar uu hooyadeed qabay,” ayuu yiri mid ka mida ehellada gabadha yar ee u geeriyootay kusfiga lo geystay.

Dhacdadan naxtinta leh ayaa hadal heyn badan dhalisay, waxaase dadka deegaanka ay soo dhoweeyeen xukunka dilka ee ay Jubbaland ku ridday ninkii ka dambeeyey falkaas.

Soomaaliya ayaa mid ah dalalka ay ka dhacaan tacadiyada ka dhanka ah dumar, sida kufsiga, kaas oo meelo kala duwan laga soo wariyey, waxaana ugu dambeeyey Hargeysa oo kufsi iyo dil la’isugu diray haweeney lagu magacaabi jiray Marxuumad Hinda Cumar.

The post Jubaland oo toogatay nin kufsaday gabar saddex jir ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this