Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis Taariikhi ah oo laga gaaray Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada heer dowlad goboleed, oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa xalay si wadajir ah Garoowe uga dhawaaqay guddi wada-tashi oo qaabilsan horumarinta arrimaha Waxbarashada dalka.

Guddigan ayaa la shaaciyay, kadib shir ku saabsan arrimaha Waxbarashada dalka oo shalay ka qabsoomay magaalada Garoowe, kaas oo dhexmaray wasaaradda Waxbarashada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo uu weheliyo Gobolka Banaadir.

War-murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in sidoo kale lagu heshiiyay in la mideeyo qalfoofka manhajka wasaaradda Waxbarashada heer Federaal iyo kuwa heer dowlad goboleed, gaar ahaanna kan Puntland oo hore khilaaf kala dhexeeyay dowladda Federaalka.

Sidoo kale, waxa lagu heshiiyay in la dhiso guddi ka kooban dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo qaabilsan Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, si dalka oo dhan looga qaado imtixaan midaysan.

Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka oo dhan

One-3.jpg?resize=670%2C960&ssl=1 Two-1.jpg?resize=693%2C960&ssl=1 Three.jpg?resize=674%2C960&ssl=1 Four.jpg?resize=688%2C960&ssl=1 Five.jpg?resize=665%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Heshiis Taariikhi ah oo laga gaaray Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this