Jacaylbaro Posted November 4, 2008 Abwaanka ka caanka ah dhulku soomaalidu degto Marxuum Cabdi Muxumed Aamiin ayaa maanta lagu aasay Magaalada Nairobi, kadib markii uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee waddanka Kenya Xalay, halkaasi oo uu ku xanuunsanayay Abwaanku. Allaha u Naxariistee Cabdi Muxumed Aamiin, wuxuu ku dhashay Gobolka Gabiley Somaliland sanadkii 1935-tii, wuxuu ku hanaqaaday, kuna guursaday, sida uu sheegay, magaalada Muqdisho. Wuxuu Cabdi Muxumed fanka ku biiray sanadkii 1953-dii, isagoo ku sugan magaalada Hargeisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 4, 2008 Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Amiin waxaa uu ka mid ahaa Fannaaniintii iyo Abwaaniintii laf-dhabarka u ahaa Kooxdii Waaberi, waxaana uu sameeyay Ruwaayado iyo heeso badan oo caan baxay, kuwaasi oo aan ka xusi karno Riwaayaddii lagu dhaliilayay Dowladdii Mileteriga ahayd ee Siyaad Bare taasi oo ahayd Land Crouser, inkastoo horay uu u ammaanay dowladdaas isagoo u sameeyay heesta ceynaanka haay. Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo aaska Marxuumka ka qeybgalay ayaa Laanta Afka Soomaliga ee BBC-da waxaa uu uga waramay taariikhdii Abwaan Cabdi Muxumed Amiin, wuxuuna sheegay in marxuumka uu ahaa Fannaan Wadani ah oo mar walba ka hadla dhibaatada dadkiisa iyo dalkiisa ay qabaan, wuxuuna xusay in isagoo ah Maareeyaha Tiyaatarkii Qaranka ah uu u keenay Heestii LandCrouser, taasi oo uu xusay in ay ka hadleysay sida uu xiligaas dalka ugu soo batay Gaariga LandCrouser-ka oo qaali ahaa iyo sida ay dadka u baahan yihiin ee ay ugu tiirsan yihiin Raashin Galley ah oo Mucaawino ahaan loo keeno. Cabdi Xaashi C/llaahi waxaa uu sheegay in markii uu Heestaas ka qabtay uu ku yiri u dhiib Saado Cali Warsame bacdamaa sida uu u yidhi ay Saado jilista ku wanaagsan tahay, "Saado waa ay diiday in ay heestaas ku luuqeyso, kadibna Abwaanka waxaa uu u dhiibay Nimco Yaasiin, mar uu ii yimid oo uu ii sheegay in ay Saado diiday oo uu Nimco u dhiibay ayaan ku iri Saado iigu yeer, kadibna waxaan ku iri Saado heestan ku luuqee, weyna iga ogolaatay, inkastoo ay markii hore ka baqday"ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi. Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Amiin waxaa uu ifka kaga tegay 3 Wiil iyo 5 Gabdhood, waxayna dadka Soomaaliyeed ku xusuusan doonaan dhaxalkii uu uga tegay ee Faneed, kaasi oo uu ku soo koobay buug uu qoray oo la yidha DIIWAANKA HILIN HAYAAN. Allaha u naxariistee Abwaankii caan baxay ee Cabdi Muxumud Amiin ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Magaaladda Nairobi oo uu maalmo ku xanuunsanayay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 4, 2008 I met him 2 months ago in Hargeisa. Allah ha u naxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted November 4, 2008 He was an icon, (AUN), he even took part the famous "war ninkoow ninkoow ninkoow" in Land Cruicer lago Riwaayad, he was singin along with Saado, isagaana allifeyba riwaayadaas. Not to mention his endless nabi amaan songs and Ramadaan songs. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 4, 2008 Waxa uu laakiin hore ugu soo caan baxay heesihii kacaanka ,,,,, Wadadii caddaayd Cagta saarnayee Cimrigii jiryoow Caynaanka hay hay hay, weligaa hay In kasta oo uu heestaa bedelay beri dambe ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted November 4, 2008 Don't forget the famous songs uu allifay uuna ku codeeyey: Dalkeygoow by Faadumo Qaasim Dalkeyga waanjeclahay by Saado Ali Bukaan wada qoslaayiyo by Saado Ali Kuwii calanka dhaliyey by Saado Ali War Ninkow by Saado Ali and himself Yaasiinka Yaasiinka by himeself. Waxaa la sheegay there were more than 150 songs uu allifay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted November 4, 2008 Ilaahay ha u naxaristo abwaanka wayn. I loved this song of his: Maxaan hog abeeso galay; maxaan halaqyo ugu tagay maxay micida ii mireen; maxaan waabay hirqaday oo maxaan geeridaa ka hadhayee Hobeeya hobey-hobeeya hobeeya Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted November 4, 2008 ^So he wrote that.And then it was sung by Mohamed mooge right? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted November 4, 2008 Nuune posted: Dalkeygoow by fadumo qasn Heestaan waxaa alifey nin la dhaho Gacaliye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted November 4, 2008 Alla ha unaxariisto, he was indeed among the few good composers and play writers we have. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Prinz Posted November 4, 2008 Ilaahee ha u naxariisto abwaanka..He was one of the few abwaaniin & fanaaniin who didn't leave Mogadishu, true wadani believed in Somalinimo, kuwa fara kutiriska buu ku jiray. He's also a fanaan sings tho he was mainly an abwaan..wuxuu la heesayaa Hiba Nuura heesta 'Waa su'aal da'weynoo..madaxa daalineysa' a talented voice really..& heesta ''Gacan baan ku siiyay'' with Cigaal, Hiba Nuura & Maryan Mursal. Alla yarxama! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted November 5, 2008 Alla yarhama Abwaanka wayn, He was one of the greatest. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdi2005 Posted November 6, 2008 The most famous must be his writing of the famous song "Landcruiser gado so bari(beg)galley" waxa heestan lug dhaliilayey siyad bare, landcruser ayuu asaga iyo asxaabtisa gadanaayen adunkana galey ayey ka baryaayen. Abwan Cabdi wuxu siyaad barre ubaxshay kacaandiid. Suganta uu abwanka bari hore qoray oo hes lagadhigay wax kamid ah "Ma doonayaan Inaynu dowlad ahaano!! Ayaan doonaynin? Kuwii dhiiggeena Durduuran jiray Kuwii danahooda sameysan jiray Kuwii Soomali Dulleysan jiray Aynu dillo aynu dagaalle Ka digtoonaada dadkaa Dadka yagow... waxkalo kamid aha hesti uu qoray kadib marki ladilay saxibkiis C/raxmaan Caydiid, asaguna dhaawac ah mesha loogtagay inu dhinto(c/llahi yusuf aya lugu tuhsanyahay inu kadambeyey) "Maxaan hog abeeso galay Maxaan halaqyo ugu tagey Maxay miciyo I heleen Maxaan waabay hirqaday Maxaan geerida ka haray..." Abwan cabdi muxumed wuxu katagay suugan badan uu qoray xornimda kahor ila 2005, waxaadna ka heleysa sugaantas buugisa HILIN HAYAAN Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 7, 2008 Samir iyo iimaan abwaanka reerkiisa, Eebba ha u dambi dhaafo asagana -- aamiin, aamiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites