Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Daalibaan Oo La Wareegay Magaalo Istaraatiiji Ah Oo Ku Taalla Xadka Dalka Pakistaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Afghanistan)-Deegaanada ay qabsanayaan ururka Daalibaan ayaa sii kordhaya xilli ay ciidamadii ka socday dalka Maraykanka ay ka baxayaan dalkaas.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalamayasha Daalibaanka ay qabsadeen magaalada istaraatiijiga ah ee Spin Boldak ee ku taalla xadka dalkaas uu la wadaago waddanka Pakistan, xilli ururkaasi uu sii wado la wareegidda dhul balaadhan oo Afgaanistaan ah.

Dowladda Afgaanistaan ayaa waxa ay gaashaanka u daruurtay wararkaasi, walow sawirrada la soo dhigayo baraha bulshada ay muujinayaan maleeshiyaadka oo la sheekaysanaya ilaalada xadka Pakistan.

Islamabad ayaa lagu soo warramayaa inay xidhay barta xadka laga tallaabo taas oo ah marin muhiim ah.

In Taalibaanku uu maamulo bartaasi ku taalla xadka koonfurta gobolka Kandahar ayey suuragal ah inuu kharash badan ka soo xareeyo canshuuraha kastamka.

Ururkaasi waxa uu hore u qabsaday goobaha lagaga tallaabo xadka Afgaanistaan ee wadammada Iiraan, Tajikistan iyo Turkmenistan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this