Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay heshiiska taariikhiga ah ee lagu gaaray Garoowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda dhexe ee federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo shir maamlmo qaatay ku yeeshay magaalado Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku aadan waxbarashada.

Shirka ka dhacay Garoowe ayaa wuxuu u dhexeeya wasiirada waxbarashada ee dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale xubno ka socda gobolka Banaadir, waxaana lagu faray arrimaha waxbarashada, shahaadiyoonka iyo imtixaanaadka.

Sidoo kale shirkan ayaa waxa lagu gaaray is afargad ay dhinacyadu wada saxiixeen oo lagu horumarinayi waxbarashada, iyadoo gabagabadee laga soo saaray war-murtiyeed.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah In la aas aaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha Waxbarashada, nn la mideeyo qalfoofta manhajka (Curriculum Framework), loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).

Sidoo kale waxay dowlad federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir isku af-garteen in maamul goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah.

Heshiiskan cusub ayaa ah mid meesha ka saarayo khilaafaad hore uga jiray dhinaca imtixaanaadka oo u dhexeeyey dowladda dhexe & qaar ka mida maamul goboleedyada.

IMG-20210715-WA0005.jpg

 

IMG-20210715-WA0003-1.jpgIMG-20210715-WA0001-1.jpgIMG-20210715-WA0000-1.jpg IMG-20210715-WA0002-1.jpg

 

The post Muxuu yahay heshiiska taariikhiga ah ee lagu gaaray Garoowe? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this