Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay degmada Buulo-Burde oo muran ka jiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka  Wasaaradda  Arrimaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Gudoomiye Cuusb u Magacaabay degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan kaidb markii Gudoomiyihii degmadaas Shaqa jooojin lagu sameeyay.

Wareegto kasoo baxday Xafgiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa Axmed Mahad Nuur loogu Macagaabay Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde, kaas oo bedelaya Guddoomiyihii degmadaas Feysal Haajir Aadan oo maalmo ka hor uu Shaqa joojin ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed).

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu faray dhamaan Hay’adaha Amniga iyo Shacabka degmada buulo-Burde inay la Shaqeyaan Guddomiyaha Cusub ee loo soo Magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmada buulo-Burde ee Goblka Hiiraan waxaa ka taagneyd xiisad ka dhalatay Shaqa joojin lagu sameeyay Guddoomiyihii degmada Buulo-Burde iyo kuxigeeniisa, iyada oo Odayaasha Dhaqanka degmada ay ku eedeeyeen Madaxda Hir-Shabeelle inay khalalaaso ka abuurayaan degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

wareegto-231x300-1.jpg?resize=231%2C300&

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay degmada Buulo-Burde oo muran ka jiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this